Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Isbaheysiga dib u Xoreynta oo ka Hadlay Dagaalkii Shalay ka Dhacay Beledweyne
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:22
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 25 2008
Isbaheysiga dib u Xoreynta oo ka Hadlay Dagaalkii Shalay ka Dhacay Beledweyne
Written by Ali Moallim   
Friday, 25 July 2008

Calaamada IsbaheysigaDjabouti,(insidesomalia.org)- Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya garabka uu hoggaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ee fadhigiisu yahay Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa wuxuu si kulul u cambaareeyay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Magaalada Beledweyne iyo madaafiic ay shalay ku duqeeyeen magaaladaas.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Isbaheysiga oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Isbaheysiga Saleebaan Colaad Rooble ayaa lagu sheegay in Ciidamada Itoobiya ee degan Xerada Janta-kuundisho ay si aan loo meel dayin ay madaafiic ugu garaaceen dad rayid ah oo ku sugan gudaha Magaalada Beledweyne

“Magaalada B/weyne oo dadka ku nooli la il-daraayeen  taakuleynta iyo meeleynta dadkii faraha badnaa oo ay Ciidamada Cadawgu ka soo barakiciyeen degaanmnadoodii iyo guryahoodii ayaa shalay subax ku waabariistay madaafiic aan loo meeldayin  oo geystay dhimasho toban ruux kor u dhaaftay iyo dhaawac aan ka yareyn, halka intii ka badbaaday ay qaxeen guryahoodii”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka uu soo saaray Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti.

Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa ugu baaqay Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha in ay ka hadlaan dhibaatadii ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen Magaalada Beledweyne, isla markaana ay jawaab cad ka soo saaraan.

“Isbahaysigu waxa uu Qaramada Midoobay, Ururrada Goboleed iyo kuwa Dowliga ahba uga baaqayaa inay gacan ka geystaan sidii Ciidamada Ethiopia ee cadawga ku ah nabadda iyo deganaasho ka dhacda Soomaaliya dalka looga saari lahaa”ayaa mar kale lagu yiri Warsaxaafadeedka Isbaheysiga.

Ugu dambeyntiina Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya  waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqay inay u  kaalmeeyaan dadka ku waxyeeloobay dagaallada ka dhacaya Soomaaliya, isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan sidii dalka Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa nabaddi iyo kala dambeyntii.





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >